Kooxda Barcelona ayaa markii ugu horaysay muddo afar sano ah u soo baxday afar dhamaadka Champions Leaque-ga kadib markii ay guul qurux badan ka gaadhay Napoli.
Fermin Lopez iyo Joao Cancelo ayaa Barcelona u dhaliyay goolka barbaraha ee Estadi de Montjuic, laakiin kooxda martida loo ahaa ayaa si adag ushaqaysay kooxda reer Talyaani oo gool soo celiyay Amir Rrahmani.
Is aragu hore iyo gadaal ayaa waxaa ugu danbeyn soo afjaray gooldhaliyaha Poland Robert Lewandowski iyadoo ay ka harsan tahay waqtigii caadiga ahaa 7 daqiiqo.
Ka dib markii ay si deg deg ah u furmeen, Barcelona ayaa labo gool ku garaacday Napoli seddex daqiiqo gudaheed.
Ugu horeyn 20 jirka khadka dhexe ee Lopez ayaa ka faa’iidaystay fursad uu ku soo jiito masraxa weyn ee ciyaarta isagoo kubad dhinac ka gees ah shabaqa ku hubsaday 15 daqiiqo ka dib markii Lewandowski uu kubad joog hoose ah ka tuuray Raphinha.
Laacibkii hore ee Leeds Raphinha ayaa sidoo kale ku jiray goolka labaad ee Barcelona, isagoo hogaaminaya kubad rogaal celis ah isla markaana darbo ka soo laaday birta ka hor inta uusan dhalin amaahda Manchester City ee Cancelo.
Barcelona ayaa si kastaba ha ahaatee dardarta ciyaarta ku soo laabatay, Napoli ayaana hal gool dib u soo ceshatay qeybtii hore ee ciyaarta markii daafaca dhexe ee Kosovan Rrahmani uu u soo dhaqaaqay si uu u daba mariyo Marc-Andre ter Stegen ka dib markii laga jaray dhanka midig.
Napoli ayaa si adag u riixday goolka barbaraha, waxayna iska lumisay fursadii ugu fiicnayd ee ay ciyaartay 10 daqiiqo kadib markii uu Jesper Lindstrom uu madax xor ah u soo tuuray meel ka baxsan 7 yards.
Lakiin ugu dambeyntii waa ay soo baxeen iyadoo Barcelona ay guul gaartay markii ugu horeysay shantii kulan ee isreebreebka Champions League markaasoo Lewandowski uu kubad ku taabtay guriga ka dib markii uu kubad uu ka helay Sergi Roberto.
By-F9sports.online
0 Comments