PSG ayaa dalab dhan 200€ ka kudbisay dayaeka Barcelona
Paris Saint-Germain ayaa qorsheyneysa inay dalab 200 milyan oo euro ah ka gudbiso da’yarka Barcelona ee Lamine Yamal iyagoo doonaya inay bedelaan Kylian Mbappe.
Kooxda horyaalka Ligue 1 ka dhisan ayaa isha ku heysa inay badasho Kylian Mbappe oo shaqada ka tagaya, kaasoo ku dhow inuu ku biiro Real Madrid xagaaga. Sida laga soo xigtay Marca, PSG ayaa diyaarinaysa dalab weyn oo dhan 200 milyan oo euro (£170m/$218m) oo ay ku doonayso 16 jirka cajiibka ah ee Barcelona Lamine Yamal.
Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ka warqabto xiisaha ay kooxda reer France u qabto xiddigeeda, waxaana wakiilkiisa Jorge Mendes uu dhawaan la kulmay madaxweynaha kooxda Joan Laporta si uu si rasmi ah ugu sheego dalabka. Inkasta oo ay dhaqaale xumo haysato, kooxda difaacanaysa horyaalka La Liga uma badna in ay kala tagaan da’yarkan hal sano oo kaliya kadib markii ay u soo dalacsiiyeen kooxda waa wayn. 16-sano jirkaan ayaa ku riyaaqay qaab ciyaareed qani ah xilli ciyaareedkaan 2023/24 isagoo kasoo muuqday 37 kulan tartamada oo dhan isagoo dhaliyay afar gool islamarkaana caawiyay lix gool.
By-F9sports.online
0 Comments