Palmer iyo Mainoo ayaa u sharaxan da'yarta Premier League ee xilli ciyaareedka.
Cole Palmer iyo Kobbie Mainoo ayaa cinwaan uga dhigay koox si weyn loogu tartamayo abaal marinta da’yarta ugu fiican Premier League.
Ciyaartoyda u tartamaya gongka caanka ah ayaa lagu dhawaaqay khamiistii, iyadoo da'yarta Chelsea iyo Manchester United lagu daray ololahoodii wacnaa.
Palmer waa gooldhaliyaha labaad ee ugu goolasha badan horyaalka isagoo dhaliyay 21 gool, halka Mainoo uu ku qasbay inuu ku biiro xulka England ka dib markii uu u saftay Red Devils.
Dhanka kale, labada ciyaaryahan ee Manchester City Erling Haaland iyo Phil Foden ayaa sidoo kale lagu daray liiska musharaxiinta. Lamaanuhu waxay ku guuleysteen seddexdii abaalmarin ee ugu dambeysay, iyadoo Foden uu ku qaatay abaalmarinta 2021 iyo 2022 ka hor Haaland oo loo aqoonsaday ololihiisii ugu horreeyay ee cajiibka ahaa xilli ciyaareedkii hore.
Arsenal ayaa sidoo kale ku leh labo ciyaaryahan oo u sharaxan abaalmarinta, kuwaas oo kala ah Bukayo Saka iyo William Saliba. Alexander Isak oo Newcastle ka tirsan iyo Destiny Udogie oo Tottenham ah ayaa iyaguna liiska ku jira.
By-F9sports.online
0 Comments